DF iyo AMISOM oo ka wada-hadlay qorshaha kala guurka ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa kala hadlay Francisco Caetano Madeira arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka dalka ka socda, gaar ahaan mida Golaha Shacabka

Sidoo kale waxa ay labada dhinac diiradda ku saareen kulankooda waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.

Waxa kale oo ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here