Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay Baardheere + khasaaraha

0

BAARDHEERE (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah askartii ku sugneyd xerada ADC oo uu weerarku ka dhacay.

Inta la xaqiijiyey illaa 2 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana socda baaritaano ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka Baardheere oo ku aadan qaraxaasi dhaliyey khasaaraha kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here