DF oo digniin culus u dirtay shacabka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa soo baxaya digniino la xiriira roobab xoog leh oo ka di’i doono Somaaliya, kuwaas oo la sheegay inay wataan dabeylo xoogan.

 

Todobada cisho ee soo socota oo ah asbuuca ugu dambeeya ee bisha September iyo asbuuca ugu horreeya bisha October 2023 ayaa la sheegay in roobabkan ay di’i doonaan

Sida ay bayaan ku soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SODMA Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhammaan 18-ka gobol ee dalka ayaa lagu wargaliyay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurtagal tahay in ay ka timaado roobabka xoogan ee asbuucaan la-filayo.

Roobabkan ayaa Hay’adu sheegtay in ay wadan karaan duufaano iyo daadad ku rogmada magaalooyinka.

Dhinaca kale Saadaasha Roobabka la filayo in ay ka da’aan Puntland todobaadkan ayaa la sheegay in ay ka di’i doonaan gobolada Mudug, Cayn, Sool, Sanaag, Haylaan, iyo Karkaar kuwaasi oo la filayl n ay helaan roobab dhex-dhexaad ah xaddi ahaana u dhaxeeya (30-100) mm.

Sida kamuuqata khariidadda saadasha roobka meela kooban oo kamid ah degmada Jariiban ayaa laga yaabaa inuu gaaro 150mm.

Bulshada ku dhaqan degmooyinka Qardho, Dangroyo, Garowe, Burtinle, iyo Jariiban ayaa loogu baaqay in taxadar dheeri ah muujiyaan illaa 03 bisha October 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here