Ciidamo Boolis ah oo weerar ku qaaday Iskuulka Hoyga Xamar + Sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka weerar ku qaadeen Iskuulka Hooyga Xamar oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidanka oo watay gaari nuuca loo yaqaano bulldozer ayaa burburiyay qeybo ka mid ah Iskuulka, waxaana jirdil iyo xarig la isugu daray Maamulaha Guud ee Iskuulka Hoyga Xamar, Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamuud oo loo yaqaan Cabdiraxmaan Dhagey.

Dhulka uu ku fadhiyo Iskuulka ayaa sida la sheegay la doonayaa in loo boobo ganacsato.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska ay jirdil u geysteen arday u badan carruur kuwaasi oo wax ka barta Iskuulka Hooyga Xamar ee saaka weerarka lagu soo qaaday.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u guuray Magaalada Dhuusamareeb si uu xoojiyo dagaalka Al Shabaab, waxaa soo baxaya in arrintaas ay fursad u noqotay Laamaha Booliska, kuwaasi oo lagu eedeeyo in ay qeyb ka noqdeen dhul boob ka socdo Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here