DF oo gacanta kusoo dhigtay shabakaddii ka dambeysay weerarkii Hotelka SYL

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

 

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay.

Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Khawaarijtu ay ka soo gudbeen.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oo muujinaya dhagarta Shabakaddan Khawaarijta ah iyo gungaarka hay’adaha baarista.

Dhammaan Shabakadda Khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda.
-Dhammaad-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here