DF Somalia oo Laascaanood ku celisay dhaawacyadii lagu bogsiinayey Muqdisho

0

LAASCAANOOD (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta oo jimco ah waxa ay dib ugu celisay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Qaar kamid ah Shacab ka bogsaday dhawaacyadii cuslaa ee ka soo gaaray colaadii Magalaadas ka dhacday,kuwaas oo xaladooda cafimaad muddo bilooyin ah lagu baxnaaninayey Muqdisho ka gadaal markii hay’adda hore dhawacyadaan Muqdisho u soo gaarsiisay.

 

Diyaarad gaar ah oo wada shacabkaan oo gaaraya 40 ruux ayaa hay’adda waxa ay ka dajisay Garoonka diyaradaha Laascaanood,waxaana Garoonka diyaradaha uga hortagay madaxda maamulka Qaatumo, iyo Odayaal dhaqan.

Lataliyaha Sare ee Arrimaha bini’aadamnimada iyo xuquuqda Aadanaha ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Deeq Yuusuf oo bukanadaan soo boksaday ka soo qaaday Muqdisho ayaa kawarbixiyey tirada maanta laascaanood gaarsiyeen,isaga oo sheegay in dhawaan hay’adda lascanood soo gaarsiin doonto deeq gargaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here