Guddoomiye Shuute oo digniin culus u diray dhammaan askarta dowladda

0

BAYDHABO (SMN) – Xasan Cali Nuur (Shuute) guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida oo la hadlayay ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed oo tababar loogu xiray Baydhabo ayaa u jeediyay khudbad dardaaran ah.

Guddoomiyaha ayaa u digay ciidamada, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay in qoriga la siiyay ay ku difaacaan shacabka, kulana dagaalamaan cadowga.

Sidoo kale wuxuu faray inay ilaaliyaan anshax ciidanka iyo hubka la siiyay, maadaama ay leedahay dowladda.

Inta badan maxkamadda ciidamada ayaa tallaabooyin adag ka qaata askarta dowladda ee dilalka iyo dhibaatooyinka kale u gaysta dadka shacabka ah, waxaana jira askar lagu riday dil toogasho ah iyo kuwa lagu xukumay xabsi ciidan, kadib markii la geeyay maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here