DF oo Liibiya kala hadashay xorriyad siinta muwaadiniinta Soomaaliyeed

0

ISTANBUL (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika la qaatay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Mudane Maxamed Yuunis Al-menfi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay Labada Dal uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaaladda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Guddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bixin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here