DF oo loogu baaqay inay fara-geliso xukun ay dhalinyaro ku riday Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Ururka bad-baadada Caruurta “Save the Children” ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay soo fara-geliso dhainyarro uu maamulka Puntland dhawaan ku ridday xakunno isugu jira dil iyo xabsi dheer, iyagoo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Afar ka mid ah dhalinyaradaas ayey maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu riday xabsiyo dhaadheer oo u dhexeeya 20 illaa 30 sano.

Qoraal ka soo baxay Save the Children ayaa sheegay in xukunnadaasi ay ka hor imanayaan heshiiska QM ee xuquuqda caruuta oo ay Soomaaliya-na ansixisay 2015.

Puntland ayaa horay loogu eedeeyey inuu xukuno adag ku riday dhalinyaro aad u da’ yar, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo ay ciidanka Puntland la galeen xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here