Doorashada kuraasta HOP#025 & HOP#081 oo lagu qabtay Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Galmudug ayaa markale maanta sii amba-qaaday doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahan kuwa deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb.

Doorashada maanta oo loo qorsheeyey laba kursi ayaa waxaa kursiga koowaad ee HOP#025 ku soo baxay guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar).

Guddiga doorashada ayaa shaaciyey in Jacfar uu helay codad gaaraya 100, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa Xasan Cali Cismaan.

Kursiga labaad ee HOP#081 waxaa sidoo kale kusoo baxday Marwo Cadar Cali Maxamed (Shalaqbeen) oo heshay 71 cod, waxaa iyadana u tanaasushay Nasro Maxamed Dalabey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here