DF oo shaacisay inay howl-gal ku dishay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab

0

JOWHAR (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guullo ka sheegatay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-gallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Xawaadley, Shanlow Jameeco, Yaaqle iyo Dhagaxoow oo dhammaan hoostaga gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Danab oo horkaceysay howl-gallaan ayaa sheegay inay ku dileen illaa 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay burburiyeen xarumo kale oo ay Xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanadaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa howl-gallo ballaaran ka waday deegaanada dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ahaan Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here