Yaa kusoo baxay doorashadii xildhibaan ee ka dhacday Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi.

Guddiga doorashada SEIT ee Somaliland ayaa ku guuleystay qabashada doorashada saddexda kursi ee kala ah:- HOP#244, HOP#037 iyo HOP#238, kuwaas oo ay dhammaan doorashadooda u dhacday qaab gacan taag ah.

Kursiga HOP#244 ayaa waxaa ku guuleystay Siciid Maxamed Maxamuud oo helay 101 cod, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga HOP#037 ayaa waxaa kusoo baxday Ifraax Maxamed Cawad oo iyadana loo tanaasulay, waxayna heshay 99 cod, kadib codeyn gacan taag ah oo loo qaaday.

Kursiga saddexaad ee HOP#238 waxaa isna kusoo baxay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo aan isna gelin tartan, wuxuuna helay 98 cod, halka ay ka aamuseen 3 ergay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here