DF oo shaacisay inay korortay tirada dhimashada hooyada iyo dhalaanka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda adag ee ay haatan wajahayaan hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ay weli kordheyso tirada dhimashada hooyada uurka leh iyo ilmaha ka yar shanta sano, isaga oo ku tilmaamay in tiro argagax leh ay sanad walba diiwaangeliso wasaaradda.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay haatan waddo dadaal dheeraad ah oo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa arrintaan, si ay daryeel caafimaad u helaan hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa wasiir Cali Xaaji Aadan wuxuu ka sheegay shirweynaha 5-aad ee caafimaadka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo ay ka qaybgaleen wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here