Sawirro: Gudddoomiye Yabooh oo xalay kormeer ku tegay Degmada Yaaqshiid

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen Xaalada Amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid.

 

Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha Amniga Degmada, ayaa waxa uu Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo Ganacsatada, asigoona la shaah-cabay Odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.

Mudane Yabooh ayaa sheegay in kormeerkaan uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo Amniga Caasimadda, Asigoona Bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida Amniga iyagoo la shaqeynaya Maamulka Degmada iyo Laamaha Amaanka si loogu hortago dhagaraha kooxaha Nabad-diidka.

— DHAMAAD —

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here