DF oo war kasoo saartay duqeyn ka dhacday xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

 

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday kolonyo ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaashanaya xogta dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Cali hayle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galgaduud.

Gaari ay la socdeen maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu burburiyay howlgal maqribnimadii caawa ka dhacay Deegaanka Cali Hayle  waxaana gaariga saarnaa Hor-joogayaal ka tirsan cadowga.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa la kordhiyay Howlgallada dhanka cirka ah Ee lagu beegsanayo kooxaha naf la caariga ah ee caadeystay gumaadka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana la qaarijiyay maleeshiyaad iyo horjoogeyaal badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here