Sawirro: Jubbaland oo ciidamo cusub ku diyaarisay Kismaayo + Ujeedka

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay gulufka dagaal ee ka socda maamulkaasi, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in lagu xoreeyo gobollada Jubbooyinka.

 

Dhuumaal ayaa sheegay in ay diyaariyeen ciidamo cusub oo ka qayb qaadanaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugan xerada Madhamaato ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankooda uu yahay in la dagaalamaan Al-Shabaabka ku sugan deegaanada Jubbaland oo uu ku wajahan yahay wajiga labaad ee dagaalka.

Ciidamadan cusub ayaa waxaa shalay booqasho ugu tegay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, kaas oo kula dardaarmaan inay u diyaar garoobaan howlgallo lagu qaadayo Al-Shabaab.

Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca duqeymo xoogan oo inta badan fuliyaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here