DF Soomaaliya oo guul ka sheegatay dagaallo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

0

Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa guulo ka sheegtay dagaal saacadihii la soo dhaafay iyaga iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Af-hayeenka Ciidamada Milatariga Cornayl Cali Xaashi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkaas Ciidamadu ku dileen in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

“Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay argagixisada Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable oo hadda noqotay meel dhiigooda uu qariyay biyaha Warta” ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi.

Sidoo ale af-hayeenka ayaa sheegay in dagaalka xooggiisu ka dhacay Warta lagu magacaabo Jilaable, halkaas oo Al-Shabaab ay isugu tageen, kadib markii laga saaray tuulooyin badan.

Kornayl Cali Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in ay Warbaahinta la soo wadaagi doonaan qasaaraha dhabta ah ee ay ciidamada u geysteen Al-Shabaab, kadib markii ay hawgalka so oaf-jaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here