DF Soomaaliya oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay

0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  joojisay gabi ahaan ba heshiisyadii ay kula jirtay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqadda leh in shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu diraan.

Wareegto uu soo saaray Wasiir dowlaha Wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii ay Wasaaraddu horay u la gashay Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu dhoofin karaan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa  gaarsiiyay hay’adaha ay quseyso wareegtadani,isagoo dhinaca kale ka codsaday Heya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha in aanay u ogolaan safar dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed darted loo dhoofinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here