DF Soomaaliya oo shirweyne muhiim ah uga qayb-gashay Nairobi + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir, Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, agaasimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada iyo xubno kale kale ayaa ka qayb galay shir weynaha deegaanka ee QM UNEA 5 oo ka furmay Nairobi.

Qoraal ay dowladdu kasoo saartay shirka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay xoojineyso heshiiska waddamada caalamka ay shirkan kasoo saarayaan ee ku aaddan sidii loo joojin lahaa adeegsiga bacaha iyo balaastigga oo dhib weyn ku haya bed qabka deegaanka.

Shirkan ayaa inta uu socdo ayaa waxay wafdigu kulamo doceedyo la yeelan doonaan hay’adaha caalamiga iyo waddamada taageera arrimaha deegaanka, si loola tacaalo waxkaqabka isbeddelka cimillada iyo aafooyinka deegaanka ku dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here