Wasiirka Maaliyadda oo ballan-qaaday in mushaarka loo kordhinayo Booliska

0

MUQDISHO (SMN) – Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ah wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa ballan-qaad u sameeyey ciidamada Booliska ee ka shaqeeyey amniga doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho.

Bayle ayaa shaaciyey in mushaar kordhin loo sameynayo askarta Booliska, sidoo kalena wax loogu dari doono raashinka iyo gunnooyinka ay qaataan.

Wasiirka maaliyadda ayaa ku amaanay ciidamada ammaanka ee Booliska, sida ay isuga xil-saareen amniga doorashooyinkii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Wasiirku ma shaacin xiliga rasmiga ah ee uu dhaqan-geliyo qorshahan mushaar kordhinta ah iyo xaddiga la gaarsiin doono.

Ballan-qaadkan ayaa wasiir Cabdiraxmaan Bayle waxa uu ka sheegay munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho, taas oo loogu mahadcelinayey ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku guuleystay sugida amniga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee lagu qabtay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here