DF Soomaaliya oo si buuxda u taageertay qaraar ka dhan ah dalka Ruushka

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay qaraar ka soo baxay golaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu cambaareeyey duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine.

Illaa 141 dal oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa u codeeyey qaraarkaas oo sidoo kale Ruushka looga dalbaday inuu Ciidamadiisa kala baxo Ukraine.

Intii ay socotay codeyntu ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya wuxuu sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.

Waa kulankii ugu horeeyay oo deg-deg ah oo golaha Guud ee Qaramada Midoobay isugu yeeray xubnaha, tan 1997 kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here