DF Soomaaliya oo wada-hadal la yeelatay saraakiil ka tirsan QM

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan gaar ah layeeshay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan UNSOM iyo UNDP wuxuuna kala hadlay dar-dargalinta iyo mideynta dadaalada ay wadaan deeq-bixiyaasha sida gaarka ah u taageera hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka Wasiirka ayaa waxaa ku wehliyey Agaasimaha Guud iyo qaar ka mid ah  Lataliyaasha Wasaaradda Cadaaladda.

Ugu dambeyn, iyada oo la eegayo xiriirka iyo iskaashiga Bahda Cadaaladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa taageera ha’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la isla gartay in la laba jibaaro dadaallada lagu tayeynayo hay’adaha caddaaladda guud ahaan ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here