DF Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaal beeleedyada ka jira K/Galbeed

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxda Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyo ka socda deegaanno hoostaga maamulka Koofur Galbeed.

 

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow oo ka hadlay colaadaha ka soo cusboonaday degmooyinka Diinsoor,Burhakaba ,Baraawe,Qoryooleey ayaa baaq farriin ah oo lagu qaboojinaayo dagaaladaasi u diray maamulka K/Galbeed iyo hoggaamiyaasha bulshada ee deegaanadaasi.

Wasiiru dowlaha waxa uu si gaar ah u codsaday in la badaadiyo dhiigga dadka walaalaha ah ee ku wada dhaqan deegaanadaas,wuxuuna maamulka K/Galbeed si gaar ah uga dalbadqan in ay ku baxaan wax ka qabashada colahaasi.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow waxa uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin sidii gacan looga geysan lahaa qaboojinta dagaaladaasi,isagoo dhinaca kalena ku baaqay in dadka dagaalamaya ay la yimaadaan Alla ka cabsi iyo in xil la iska saaro wada noolaanshaha dadka ku wada dhaqan halkaasi.

Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaday deegaanada K/Galbeed ayaa dhaliyay barakac,dhimasho iyo burbur hanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here