Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay guddoomiyaha Hay’adda SoDMA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Lataliyaha Hay’adda ee Ka-hortaga Leexsashada Gargaarka Mudane C/khaadir Shariif Shiikuna.

 

Guddoomiyaha Hey’adda oo warbixin siiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in hay’addu ay xoojin doonto  dardar-gelinta shaqada qaranka, iyo gaarsiinta gar-gaarka dadka u naahan, maadaama ayii yiri la galay xilli roobaadka gu’ga,lagana cabsi qabo fatahaado sababa barakac iyo dhibaatooyin hor leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay shaqada baaxada leh ee hey’addu ay u heeyso bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu faray in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo digniino, isla-markaana laga wacyi-geliyo goobaha looga cabsi qabo in ay dabeylaha ku dhuftaan, hay’adduna ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta iyo bad-qabka dadka u nugul musiibooyinka dabiiciga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here