DF Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay bariga dhexe

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay waxay ugu yeertay ‘is-bedellada cusub ee ka dhacay Bariga Dhexe, iyada oo ugu baaqday ‘dhammaan dhinacyada ay khuseyso in ay si deg deg ah u joojiyaan sii hurinta colaadda, ayna is xakameeyaan’ sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

 

“Colaadaha sii kordhaya iyo xiisadaha kaliya khatar kuma ahan gobolka, laakiin waxay halis sidoo kalekhatar gelinaya nabadda iyo amniga adduunka.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay beesha caalamka ugu baaqaysaa in ay qaadaan tallaabo deg deg ah oo lagu qaboojinayo xaaladda isla markaana la yareeyo khatarta colaad kale.” ayaa lagu yiri bayaankan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay ‘ in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo weerarada Israa’iil ee Gaza.’

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ‘inay taageersan tahay shacabka Falastiiniyiinta oo doonaya aayo-ka-tashi iyo cadaalad’, isla markaana ay u ololeyneyso in colaaddan laga gaaro xal ku dhisan laba dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here