Faah-faahin ku saabsan dab ka kacay kaymo ku yaalla Puntland + Khasaaraha

0

DANGORONYO (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xoogan oo shalay ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.

 

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.

Guddoomiye ku-xigeenka dagmada Dangorayo Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa sheegay in maamulka magaalada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, isla markaana la baarayo waxa sababay.

Muddo kadib mar ayaa lagu arkaa Puntland dhacdooyinka noocan oo kale ah, gaar ahaan goobaha keymaha oo u dhowyihiin buuraha dhaadheer oo ku badan maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here