DF Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalkii ka dhacay magaalada Jowhar

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Danab iyo ilaalada madaxtooyada HirShabelle.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ka xun-tahay dhacdadii shalay ka dhacday nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay haatan billowday baaris ku aadan dagaalkaas, maadaama uu gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here