DF oo war kasoo saartay duqeyn ka dhacday Galgaduud + khasaaraha

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacday gobolka Galgaduud.

Duqeynta oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Hareeri Gubadle oo qiyaastii 20 KM dhanka bari uga beegan Wabxo.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu shaaciyey in weerarkaasi lagu dilay illaa 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare.

Dowladdu ma shaacin magacyada xubnaha iyo saraakiisha la dilay, balse waxa ay sheegtay inay weli waddo xog uruurin ku aadan duqeyntaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi cirka ah ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here