Sawirro: Cabdiraxmaan Odowaa oo dib loogu doortay kursiga HOP#069

0

GAALKACYO (SMN) – Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka socota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa deegaan doorashadooda ay tahay Galmudug.

Doorashada oo lagu bilaabay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ayaa waxaa ku guuleystay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa).

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyey in Odowaa uu helay 97 cod, kadib codeyn gacan taag ah oo loo qaaday.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta kale ee maanta loo qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto halkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here