DF Soomaaliya oo war kasoo saartay weeraradii ka dhacay Imaaraadka

0

MUQDISHO  (SMN) – Qoraal kooban oo uu soo saaray wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa waxaa looga hadlay weeraradii ay kooxda Xuutiyiinta ku qaaday magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ay si adag u  cambaareyneyso weeraradaasi oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weeraradaasi “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here