Guddiyada soo xulaya ergada gobollada waqooyi oo diiwaangelin lagu bilaabay

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga maamulka Doorashada ee Kuraasta Labada Aqal ee Soomaalilaan ayaa diiwangeliyay guddiga soo xulista ergada kuraasta tirsigoodu yahay HOP#257 iyo HOP#260. Kuraastaan oo kamid ah kuraas dhawaan la shaaciyey in la qabanayo doorashadooda ayaa maanta la diiwaan galiyey odayaasha dhaqanka ee soo xuleysa  ergada dooraneysa kuraastan.

In la shaaciyo cidda soo xuleysa ergada kursi walba ka hor intaan la dooran ayaa kamid ahaa qodobaddi lagu soo saaray heshiiskii shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga Qaran ee lagu jiheynayey doorashada golaha shacabka iyo hab-raacyadda doorashadda.

Doorashada Soomaaliya ee Golaha Shacabka ayaa haatan ku socoto si dardar leh, waxaana u jeedada ay tahay in la dhaqangeliyo heshiis dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Halkam hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here