Muqdisho – Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si kulul ugu cambaareysay tallaabadii ugu dambeysay ee Dowladda Israa’iil ee la xiriirta magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay si toos ah u jebinayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka hor imaanayso sharciga caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa tilmaantay in arrintan ay ka hor imaanayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo si cad u aqoonsan Soomaaliya inay tahay hal dal oo madax-bannaan, midaysan oo aan la kala qaybin karin gudaha xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay.
Sidoo kale, DFS ayaa si buuxda u diidday isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda Dowladda Federaalka, iyadoo carrabka ku adkeysay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax sal sharci ah oo lagu muujin karo inay tahay maamul madax-bannaan.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xilli ay Soomaaliya si dhow ula shaqeynayso saaxiibadeeda caalamiga ah si loo xoojiyo hay’adaha dowladeed, loo ballaariyo dimuqraadiyadda, loo horumariyo dib-u-heshiisiinta qaran, isla markaana loola dagaallamo argagixisada, tallaabooyinka noocan ah ay halis gelinayaan horumarka gobolka isla markaana ay dhiirrigelinayaan fikrado kala qaybin ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Israa’iil inay dib u eegto go’aankan islamarkaana ay si buuxda u ixtiraamto madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Soomaaliya ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub iyo guud ahaan beesha caalamka inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, kana hortagaan tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay inay ku adkeysaneyso ilaalinta midnimadeeda qaran iyo xuquuqdeeda madax-bannaan, iyadoo adeegsaneysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee waafaqsan sharciga caalamiga ah.





