Israa’iil oo Markii ugu Horreysay Danjire u Magacawday Somaliland

0

Muqdisho – Israa’iil ayaa markii ugu horreysay danjire u magacawday Somaliland, iyadoo tallaabadan ay ku timid xilli la sheegay in labada dhinac ay xoojinayaan xiriir dhinacyo badan leh.

 

Danjirahan oo lagu magacaabo Michael Lotem ayaa noqonaya diblomaasigii ugu horreeyay ee xilkan loo igmado.

Lotem ayaa horay safiir uga soo noqday dalal ay ka mid yihiin Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan, sidoo kale waxa uu ahaa safiirka dhanka dhaqaalaha ee Israa’iil u qaabilsanaa qaaradda Afrika ka hor magacaabistan.

Michael Lotem ma degi doono magaalada Hargeysa, balse wuxuu xilka u gudan doonaa si aan deganaansho rasmi ah lahayn, isagoo ka shaqeyn doona meel ka baxsan Somaliland.

Tallaabadan ayaa imanaysa kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu 26-kii December 2025 ku dhawaaqay aqoonsi uu u fidiyay Somaliland, isaga oo ku tilmaamay “dal madax-bannaan.” Go’aankaas ayaa dhaliyay falcelinno kala duwan, iyadoo ay jiraan cambaareyn xooggan oo ka timid dhinacyo badan.

Arrintan ayaa la filayaa in ay sii xoojiso doodaha ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here