Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda duleedka degmada Dhuusamareeb

0

Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 21-aad ayaa maanta fariisimo cusub ka sameystay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay isku fidiyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxa ay ciidamadu halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, xilli la filayo in dhowaan Dhuusamareeb ay ka bilaabato doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here