Safaaradda Kenya ee magaalada Muqdisho oo xarigga laga jaray

0

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhisme cusub oo safaaradda Kenya ka furatay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka ee dhismaha safaaradda waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya xubno ka socday, wasaaradda arrimaha dibadda, safiirka Kenya u qaabilsan Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ee Raychelle Omamo ku wehlinaya safarkeeda magaalada Muqdisho.

Furista safaaradda cusub oo ay haatan Kenya ka furatay Soomaaliya ayaa timid, kadib wada-hadallo ay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi la yeelatay ra’iisul wasaare Rooble.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay u shaaciyey inay dib u soo celiyeen xiriirkii diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyey labadal oo ah kuwa daris ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here