Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb + sababta

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi.

Dhaq-dhaqaayadan ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuw ATMIS la geliyey heegan buuxa, si ay uga hortegaan abaabul ay Ahlu Sunna ka wado halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo inta u dhexeyso magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda ayaa horey dagaallo culus ula galay xoogaga Ahlu Sunna oo weli ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here