Dibad-bax ballaaran oo ka dhacay degmada Beledxaawo + ujeedka

0

BELEDXAAWO (SMN) – Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo ay dhigeen dadka shacabka ah ee  ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday in la musuq-maasuqo doorashada kuraasta taalla magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa eedeyn culus u jeediyey maamulka Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya oo ay sheegeen inay fara-gelin ku heyso arrimaha gobolka.

Garbahaarey ayaa waxaa yaalla 16 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana ka taagan dood xoogan oo saameyn ku yeelatay qabashada doorashada kuraastaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here