Muxuu Wasiirka Gaashaandhigga kala hadlay wafdiga Midowga Afrika?

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa.

Kulanka labada Mas’uul ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, iyadoo diiradda lagu saaray kulanka Amniga guud ee dalka, iyo doorashada .

“Waxaan kulan miro dhal ah la qaatay wafdi uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa Danjire Bankole Adeoye. Waxaan ka wada hadalney Amniga guud ee dalka, kan doorashada iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika (ATMIS)” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here