Dibad-bax ballaaran oo ka dhacay magaalada Garbahaarey + ujeedka

0

GARBAHAAREY (SMN) – Magaalada Garbahaarey waxaa maanta lagu qabtay dibad-bax ballaaran oo ay ka qaybgaleen shacabka, kaas oo uu soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Gedo.

Dibad-baxa ayaa waxaa looga soo horjeeday guddiga qiimeynta ee uu doorashada Garbahaarey u xilsaaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo shacab ka hadlay dibad-baxa ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan guddigaas iyo wax kasta oo ka hor imaanaya heshiiska doorashooyinka.

Dhawaan maamulka gobolka Gedo ayaa ku dhawaaqay in aysan qaabili doonin guddiga qiimeynta ee Garbahaarey, wuxuuna maamulku tilmaamay in laga leeyahay dano kale.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here