Doorashada hal kursi oo maanta lagu qabanayo magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa shaaciyey in maanta la qabanayo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#004 oo ka mid ah kuraasta taalla Beledweyne.

Kursigan ayaa ka mid ah afar kursi oo horey loo shaaciyey in doorashadooda la qabanayo, waxaana ku tartamaya ilalaa 5 musharrax oo midi ay tahay dumar,

Sidoo kale waxaa kursigan horey ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone), kaas oo haatan ka tanaasulay tartanka.

Doorashada kursiga HOP#004 ayaa ku soo aaday, xilli shalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashada Beledweyne uu soo saaray amar guud oo lagu hakinayo doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee ka socota magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here