Faah faahino kasoo baxaya howlgal ka dhacay Sh/Hoose + khasaaraha

0

AFGOOYE (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo aha mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey deegaanka Mubaarak oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu dilay illaa 25 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, laguna dhaawacay 35 kale.

Sidoo kale saraakiisha dowladda ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here