Doorashada kuraas ka mid ah BF oo ka dhaceyso magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada lix kursi oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadoda la qabanayo ayaa kala ah:- HOP#008, HOP#015, HOP#074, HOP#086, HOP#109 iyo  HOP#274.

Musharixiinta u tartameysa kuraastan ayaa shalay qaatay shahaadada musharaxnimada, si ay ugu tartamayaan kuraastan oo noqonaya kuwii ugu horeeyey ee lagu qabanayo halkaasi.

Sidoo kale kursi ka mid ah kuraastan waxaa u sharraxan La-taliyaha Amniga Qaran Fahad Yaasiin, waana kursiga HOP#086 oo uu horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here