Madaxweyne Saciid Deni oo war kasoo saaray qaraxii magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa war kasoo saaray qaraxii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Deni ayaa tacsi tiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, gaar ahaan nabadoonadii lagu dilay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso.

AHUN waxay ahaayeen labo Odey oo si weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta iyo horumarka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen.

Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here