Doorashada kuraas ka mid ah BF oo ka dhaceyso magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhaceyso doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta gobollada waqooyi ee G/ Shacabka.

Kuraasta maanta la dooranayo intooda badan waa isku ergo, sida uu shaaciyey afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiino.

Sidoo kale lixda kursi ee maanta la qabanayo doorashadooda ayaa ka mid ah 9 kursi oo uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada kuraasta Somaliland.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa haatan billow ah, waxaana horay loo doortay laba xubnood oo ka tirsan xildhibaanada ka soo galaya Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here