Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya mudane Cali Saciid Fiqi.

Mursal ayaa ayaa Baydhabo u tegay arrimo la xiriira dioorashada Golaha Shacabka oo ka dhaceysa magaaladaasi, madaama kursigiisa uu ka mid yahay kuraasta la shaaciyey.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here