Doorashada kuraas ka mid ah BF oo lagu qabtay degmada Baraawe + Sawirro

0

BARAAWE (SMN) – Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay halkaasi.

Doorashada ayaa waxaa lagu horreysiiyey shan kursi oo kala ah:- Hop-165, Hop-044, Hop-161, Hop-016 iyo Hop-152, waxaana kusoo baxay:-

1- Saalim Caliyow Ibrow oo helay 70 cod, wuxuu guuleystay kursiga Hop-165

2- Yuusuf Maxamed Aadan oo helay 80 cod, wuxuu isna kusoo baxay kursiga Hop-161

3- Maryan Maxamed Cali oo heshay 73 cod, waxay ku guuleysatay kursiga Hop-044

4- Xuseen Cali Xaaji oo isna helay 81 cod, wuxuu ku guuleystay kursiga Hop-016.

5- Cabdulaahi Cumar Abshirow oo helay 83 cod, wuxuu ku guuleystay kursiga Hop-152

Sidoo kale doorashada ayaa taahan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta kale ee loogu tala-galay in isla maanta lagu qabto gudaha magaallo xeebeedka Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here