Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo safiirka dalka Sacuudiga?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad

Rooble iyo safiirka ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii ay Boqortooyada Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here