Doorashada kuraas ka mid ah BF oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ka bilaabaneyso Muqdisho, iyada oo lagu hormarayo kuraas ka mid ah gobollada Waqooyi.

Laba kursi oo ka mid ah xubnaha ka imaanaya Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye.

Kuraastan waxaa isku soo taagay illaa afar musharrax oo uu ku jiro ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sidoo kale waxaa soo dooranaya xildhibaanadan illaa 101 ergo ah oo la soo xulay, isla-markaana la siiyey tababar gaar ah, ka hor doorashada maanta bilaabaneysa.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ay ka duwan tahay mida Aqalka Sare, maadaama ay ergo wax soo dooranayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here