Faah faahino kasoo baxaya howl-gal laga sameeyey Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warka ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in howl-galkan lagu qabtay dad falal amni darro ah ka waday gudaha Boosaaso, inkastoo aan faah faahin kale laga bixin dadkaasi.

Sidoo kale wuxuu taliska shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo ammaanka ee ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Boosaaso ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here