Doorashada kuraas ka mid ah BF Somalia oo lagu qabtay magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) -Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Baraawe ee caasimadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed doorashada lix kursi oo ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Mudanayaasha maanta kusoo baxay tartanka kuraasta BFS ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa kala ah:-

Cali Maxamed Sheekh (Bagadi), Maxamed Yuusuf Xasan, Cabdifataax Cabdulaahi Araye, Aweys Xuseen Macalin, Jawaahir Cadaawe Cabdi iyo Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure.

Baraawe oo deegaan doorasho u ahayd 13 xildhibaan oo ka mid noqonaya BFS ayaa toddoba ka mid halkaasi lagu qabtay shalay, halka maantana ay ka dhacday doorashada lix kursi oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here